Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Cabdiweli Gaas“Dowladda Federaalka ah kama Qarsoona Heshiiska Dekedda Boosaaso lagu Wareejiyay,,-Video

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka warbixiyay shir looga hadlayo kheyraadka dabiiciga ah ee Afrika, kaasi oo ka dhacaya Magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax ka socota Qaaradda Afrika, waxaana Soomaaliya u metelay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed (Gaas).

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweyne Gaas oo wareysi siiyay BBC-da ayaa waxa uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin mashruuca cusub ee Dowladda Imaaraadka ay ku dooneyso in ay ku balaariso Dekadda caalamiga ee Magaalada Boosaaso.

Waxa uu sheegay Dowladda Federaalka in ay ka warqabto heshiiska 30 sanood ee Dekadda Boosaaso loogu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa sheegay wax muran ah in uusan ku jirin heshiiska Maamulka Puntland uu la galay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, taasi oo ah in lagu wareejiyo Dekadda Boosaaso.

C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay hormarka dalka gaar ahaan Degaanada Puntland in uu ku xiran yahay kaabayaasha dhaqaalaha.

 

Exit mobile version