WARARKA SOOMAALI

Daawo:Beelaha Hawiye oo Farmaajo uga digay in uu Xilka ka qaado Gudoomiyaha Gobalka Banaadir,Haduu ka qaado maxaa dhici doona?-Video

By A. Hindi

April 02, 2017

Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa ku cadaadinaya madaxweyne Farmaajo inuusan xilka qaadis ku sameyn gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Warar si hoose loo helay ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu ku mashquulsan yahay in maalmaha soo socda uu magacaabo gudoomiye cusub oo gobolka Banaadir uu yeesho, taas oo soo dadajin doonta in gudoomiyaha haatan xilka qaadis lagu sameeyo.

Si kastaba, nabadoon Axmed Diiriye Cali oo kamid ah odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ku qasban yahay inuu Gudoomiye Jimcaali ku abaalmariyo dadaaladii uu magaaladda ka sameeyay mudooyinkii uu xilka hayay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxaa uu sheegay in haatan gobolka Banaadir uusan ubaahneyn shaqsi cusub iyo isbadal kale xili haatan ay socdaan dadaalo hormarineed oo la taaban karo.

Baaqa nabadoonka ayaa imaanaya iyadoo dhawaan duqa Muqdisho Sh Yuusuf Xuseen jimcaale uu sheegay inuu ogsoon yahay in xilka uu yahay mid wareegto ah oo aysan layaab ku noqon doonin hadii xilka laga qaado.