Barnaamij gaara oo aan ka Diyaariyey Daahfurka Xarunta Hiddaha Dhaqanka iyo Suugaanta ee MAHIIGAAN oo 25-kii Bishan lagu Daahfuray Magaalada Garoowe.
Sidoo kale Munaasibada Daahfurka MAHIIGAAN,waxaa ka qayb galay Abwaano,iyo Hal-Abuuro ka socda Xarunta Hiddaha,Dhaqanka iyo Suugaanta Cakaara ee Magaalada Laascaanood.
Ujeedka iyo yoolka loo aasa-say MAHIIGAAN,waa uruurinta,Keydinta Suugaanta Soomaaliyeed,soo nooleynta iyo dhiiri galinta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.
Barnaamijka waxaa Suura galisay in uu ku qabsamoo Madashan Quruxda badan Shirkadda Dalxiiska ee MAGOOL.
Waxaan aad ugu mahad Celinyaa Gudoomiye Samafalle Maxamed Yuusuf Tigey,Ahna Gudoomiyaha Shirkadda Dalxiiska ee MAGOOL, oo Si heer sare ah noogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe,Dalxiisna noo geeyay Beeraha Jibagalle oo ilaahay Nimco iyo Barwaaqo dhigay.
Waxaan sidoo kale aad ugu mahad celinayaa iyagana Dhamaan Saaxiibada Xarunta Hiddaha Dhaqanka iyo Suugaanta ee MAHIIGAAN, sida qiimaha badan ee ay noogu soo dhaweeyeen Garoowe.
HALKAN RIIX DAAWO BARNAAMIJKA
Lasoco Qaybta labaad oo Xiiso badan: Cabdirashiid Xasan Cadde.
Daawo Sawiro iyo Daalxiiska Magool