WARARKA SOOMAALI

Daawo:Axmed Madoobe oo meel adag iska taagay Khilaafka Maamul Gobaleedyadda iyo Dowladda dhexe iyo arrinta Imaaraadka-Video

By Abdi rashid

September 26, 2017

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar uu mudooyinkii u danbeeyay ugu maqnaa gobolka Gedo ayaa ka hadlay arimo kala duwan oo ay kamid tahay safarkiisii gobolka Gedo iyo arrinta khilaafka dalalka Khaliijka ee ay dowladda Soomaaliya dhex dhexaadka ka noqotay iyo Go’aanka maamulada Qayb ka mid ah.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay arrinta khilaafka ka dhex aloosan dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ee ku saabsan mowqifka ay ka qaateen khilaafka u dhexeeya dalalka Khaliijka, Wuxuuna sheegay in nabad, wadahal iyo isafgarad lagu dhisi karo dalka, isagoo xusay in khilaafku wax dumiyo balse uusan waxba dhisin.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweyne Axmed Max’ed Islaam ayaa sheegay in uu doonayo in uu gogol dhigo magaalada Kismaayo, oo ay marka hore kasoo qeybgali doonaan madaxda dowlad goboleedyada dalka, isagoo sheegay in gogoshaasi noqon doonto mid looga hadli doono arimaha taagan.

Waxa uu xusay in marka ay soo idlaadaan kulamadaasi, natiijada kasoo baxda ay ula tagi doonaan dowladda dhexe