Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Axmed Madoobe oo ku baaqay Dagaal ka dhan ah Shaabaab iyo Xildhibaanada oo uu ku Amray in ay ka qayb noqdaan-Video

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday qorshe militeri oo ay hormuud ka noqon doonaan xildhibaanada Jubbaland iyo kuwa deegaanada maamulkaas kasoo jeeda ee ku jira barlamaanka Soomaaliya.

Isagoo ka hor hadlayay xildhibaanada Jubbaland ayuu sheegay iney qasab tahay in xildhibaanada ay horkacaan ciidamada si AlShabaab looga saaro deegaanada ay ka taliyaan.

Axmed Madoobe ayaa dhanka kale sheegay in isaga uu hormuud unoqon doono ciidamada maadaama uu maamulka deegaanadaas uu si hubeysan ku qabsaday oo uu mudo usoo dagaalamayay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in qorshaha ay masuuliyiinta ku horkacayaan awooda militeri ee lagula dagaalamayo AlShabaab ay dhiira gellin utahay ciidamada dhabar jabna ay utahay AlShabaab.

Hadalkan kasoo baxay madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo aadaya xili AlShabaab ay ka taliyaan deegaano badan oo katirsan Jubooyinka.

Wararka Horufadhi.com

Exit mobile version