WARARKA SOOMAALI

Daawo:Axmed Ismaaciil Samatar oo meel Fagaare ah ka sheegay in uu Muuse Biixi yahay Dagaal ooge gacan ku dhiigle ah-Video

By Abdi rashid

October 07, 2017

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo markiii uu ku guuldaraystay  Kursiga Madaxwaynaha Soomaaliya Qaatay Siyaasada Somaliland, Kuna Biiray  Xisbiga Kulmiye ayaa Khudbad uu Xalay jeediyey wuxuu si yaab leh uga hadlay Waxa ay Bulshadu u taqaano muuse Cabdi iyo Wuuxu isagu ka bartay oo ka duwan  midaasi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Muuse Biixi Cabdi  waxaa dadku ku sheegaan  Inuu yahay Gacan ku Dhiigle dad dilay,    Sidoo kale inuu yahay Nin Qabyaaladiiste ah,  Sidoo kale waxaa la sheegaa inuu yahay Askari aan waxba dhegaysan “. Ayuu yidhi Samatar.

Hadaba Wuxuu sheegay inuu inuu Isagu dhankiisa ku arkay Muuse Biixi  Dhowr Qodob oo ka  duwan Kuwa Hore ee Dadku u Arkaan “Muuse  Inuu yahay Qof Qayb kasoo galay Ururkii SNM ee dagaalka la galay dawladii Dhexe oo mudan in lagu ammaano !,   Inuu Wasiir soo noqday oo uu yaqaano Khibrad sida loo maamulo Wasaarad,    Inuu yahay Qof Adkaysi badan,   Inuu yahay go’aan Qaadasho leh iyo inuu yahay Qof wax dhegaysta oo Aamin san in Dawladnimada kor loo Qaado”. Ayuu yidhi Prof. Samatar.