HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Ardeyda Reer Khaatumo ee Dalka Suudaan oo Doortay Gudoomiye cusub-Video+Sawiro

Bismillahi raxmaani riaxiim waxay mahad u sugnaatay alle SWT ku dayashona nabi Mohamed NNKH. Caawa oo ay ku beegantahay 7/4/2017 waxa ka qabsoomtay magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan xafladdii doorashada guddoomiyaha G/fulinta & G/shuurada dhalin yarada ka soo jeedda gobolada khaatumo ee loo yaqaanno (Golaha Ardayda Daraawiishta Soomaaliyeed ee Suudan SODESCO) xafladdaas oo ahayd mid aad loo soo agaasimay jawi qurux bandanna ku bilaabmatay.

Ugu horrayn waxa madasha lagu daahfuray aayadaha qur’aanka kariimka ah, kadib barmaamujka waxa daahfuray guddoomiyaha xisbiga tayo oo ah arday katirsan golaha sodesco ustaad mohamoud guurre. Intaa kadib guddida doorashadu waxa ay sharaxaad kooban la wadaageen golaha guud taas oo ku aadan habka ay u dhacayso doorashada labada gole ee /shuurada iyo G/ fulinta.

Sharaxaad kadib waxa la bilaabay doorashada golaha wada-tashiga oo ay isku soo taageen shan xubnood loolan kabacdi waxa halkaa lagu doortay gudoomiye iyo kuxigeen cusub oo golaha shuuradu yeelanayo , guddoomiyaha waxa ku soo baxay mudane mustafe abdiasiis ismaaciil buraale halka ku xigeenna loo doortay mudane ahmed siciid .

Dhanka kale waxa isku soo taagay xilka gudoomiyah guud ee golaha labada musharax ee kala ah mr mohamoud abdullahi jeesto iyo mr Mohamed xasan cirro, doorashada ayaa ahayd cod dheeri yadoo cododkana laga hor tirinayo golaha guud.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Kadib tartan iyo loolan adag illeen gari laba nin kama wada qosliso e waxa guushu halkaa ku raacday mudane mohamoud abdullahi jeesto oo helay codka aqlabiyada golaha , waxa uu noqonaya jeesto guddoomiyaha 2017/2018, waxa kale uu noqonayana guddoomiyihii 8aad ee golaha sodesco.

Madasha waxa lagu soo ban dhigay waxqabadka meertada xilka wareejinaysa ee uu hoggaaminayo guddoomiye ahmed Mohamed Hassan ciiro . Waxa mikrifoonka lagu soo dhaweeyay gudomiye ciiro si uu ugu soo dhaweeye madasha gudoomiyaha la doortay . waxa kulanka soo xidhay guddoomiyaha cusub mudane mohamoud abdullahi jeesto , xafladduna waxay ku soo idlaatay jawi aad u qurux badan . Xog-hayaha war-faafinta &ardayda : abdiasiis ahmed xuseen amiir.

Daawo Sawiradda.

Exit mobile version