HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Angela Merkel oo Boqorka Sucuudiga ka diiday in ay Madaxa Daboolato ,Dalkeedana ka mamnuucday Liqaabka-Booqashadeedii Jeddah-Video

Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa diiday inay fuliso sharciyada u yaal  Boqortoyada Sacudi Carabiya iyadoo kula kulantay magaalada Jeddah boqorka Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Sharciyada u yaal boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa waxaa ka mid ah in haweenka aysan madaxa ku baneysan karin goobaha fagaaraha ah,hase yeeshee Merkel ayaa noqotay hogaamiyihii ka socda dal ku yaal Yurubta Galbeed oo jebisa sharciyagaas.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Theresa May iyo Michelle Obama ayaa ka mid ahaa haweenkii hore u diiday inay xirtaan xijaab madaxana dabooshaan marka ay booqasho ku tagaan dalka Boqortoyada Sacudi Carabiya.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa baarlamaanka Jarmalka waxa uu u codeeyay sharci qabyo ah kaasoo ka mamnuucaya dumarka in meelaha fagaaraha ah ay xirtaan xijaabka.

Ms Merkel ayaa ka mid ah hogaamiyaasha aaminsan in la mamnuuco gebi ahaanba in haweenka ay indho sharer xirtaan.

Hogaamiyaha Jarmalka ayaa sheegtay in ay kala hadasho madaxda Sacudi Carabiya arrimaha xuquuqda aadanaha sida xukunka dilka ah iyo doorka uu Sacuudigu ku leeyahay dagaalka rayidka ah ee dalka Yemen.

Exit mobile version