Amiir ka tirsan boqortooyada Sacuudiga iyo dhawr sarkaal oo kale ayaa ku dhintay dayuurad ku bururtay meel u dhow xudduudda uu dalkaasi la wadaago dalka Yaman.
Dayuuradda burburtay ayaa lagu sheegay inay tahay nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka loo yaqaan, waxayna ku burburtay meel u dhow magaalada Abha ee ku taal koonfurta dalkaasi.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Amiir Mansuur Bin Muqrin ayaa ahaa ku xigeenka barasaabka gobolka Casiir, waxaana dhalay dhaxal sugihii hore ee dalkaasi Muqrin Al-Sacuud.
Ilaa iyo haatan ma cadda sababta keentay in diyaaraddu ay burburto balse Sucuudiga ayaa hormuud u ah xulufo caalami ah oo dagaal kula jiro maleeshiyaadka fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yaman.