WARARKA SOOMAALI

Daawo:Amaanka Muqdisho oo Faraha ka baxay iyo Farmaajo oo Dagaalkii uu ku dhawaaqay isaga lagu soo bilaabay-Video

By A. Hindi

April 12, 2017

Xaalada amaan daro ee ka Jirta magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay Korodhay,  Iyadoo  Ururka  Al-shabab ay Weeraro kala duwan ka gaysteen.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dhowaan u Qabtay 60-Casho Dhalinyarada u dagaalama Al-shabaab, Iyadoona sidoo kale uu sheegay inay la geli doonaan dagaal.

Dhinaca kale Xildhibaanada Dawlada Soomaaliya ayaa Walaac ka Muujinaya Xaalada Amni Daro ee sii Xumaaya, Waxayna sheegeen inaysan Muhiim ahayn Inay Dawladu sii sheegto Weerarka ay Qaadayso, Islamarkaana Halkii ay Talaabo Qaadi lahayd iyada lagu soo qaaday.