HORUFADHI MEDIA |

Daawo:Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay Wasiir Nuux iyo Madaxda Dowlada Somalia oo ka qayb galay-Video+Sawiro

Allaha u naxariistee waxaa magaalada magaalada Muqdisho lagu aasay wasiirkii hore ee Dekadaha Dr. Nuur Faarax Xersi oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

HALKAN  RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Gudoomiyaha Aqalka Sare, xildhibaano, Wasiiro iyo masuuliyiin kale ayaa ka qaybgalay Salaadda Janaasada ee lagu dukaday Marxuumka geeriyooday.

Salaadda ka dib ayaa Madaxda qaranka u duceeyeen Marxuumka, waxaana Alle ay kaga baryeen inuu Janadii Fardowso ka waraabiyo, sidoo kalana uu Samir ka siiyo Qoyska iyo Ehelada uu ka baxay.

Wasiirkii hore ee Dekadaha ayaa mudooyinkaanba wuxuu ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho, waxaana uu geeriyooday Saaka Aroortii hore.

Exit mobile version