WARARKA SOOMAALI

DAAWO YAABKA:Xildhibaan Jawaari ka codsaday in Farmaajo iyo Khayre xilka iska casilaan-Video

By Abdi rashid

November 02, 2017

Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta khudbad ka jeediyay kulankii Baarlamaanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu is casilo, isagoo ku eedeeyay inuu hoggaamin waayay siyaasadda dalka.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Xildhibaanka oo ka hadlayay xaalada amni ee dalka iyo dhibaatooyinkii bishii October ka dhacday magaalada Muqdisho ayuu sheegay in fashilka amni ee ka jira dalka ay gundhig u tahay siyaasadda dalka ragga hoggaaminaya inay fashilmeen.

Waxaa uu sheegay in aan Taliyeyaal boolis iyo Nabadsugid oo la eryo, aanay ku filneyn, isagoo xusay in carqalada meesha ay ka jirto ay tahay buurta ragga fadhiya, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxaa codsanayaa Madaxweynaha siyaasadda dalka waa hoggaamin waayo ha is casilo”ayuu yiri Xildhibaan Daqare oo ka mid ah Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka, kana soo jeeda Gobolka Gedo.