Maamulka la magaca baxay Soomaaliland ee Hargeysa ayaa maanta ku dhawaaqay go,aan aad loogu qoslo kadib markii ay sheegeen in ay xidhiidhka u jareen Dalka Qadar taas oo noqotay wax aad loogu qoslo!
Kulan ay maanta yeesheen Xubnaha Golaha wasiirada ee maamulkaas ayaa waxaa ay soo saareen qodobo jaahweerar ah oo ay ku tageerayaan Sucuudiga iyaga oo aan aqoon meesha ay ka socdaan iyo halka ay u socdaan waxa ay sheegeen in aysan Diyaaradaha Qadar adeegsan doonin Badda iyo Hawada Soomaaliland!.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Hadaba waxaa is waydiin mudan meesha Maamulka la magac baxay soomaaliland uu hawada ku yeeshay waayo Hawadda iyo Badda Soomaaliya dhamaantood waxaa wax laga waydiinayaa Dowladda Soomaaliya maamulka Hargeysana haba yaraatee malaha wax awood ah oo uu ku hor istaagi karo Diyaaradaha Qadar iyo Badda Toona.
Arrintan maanta ay ku dhawaaqeen Maamulka Hargeysa ayaan u muuqan xiisad Diblamaasiyadeed kaliya waa cunsuriyad iyo Cadho ay ku burinayaan go,aankii Dowladda Soomaaliya ee ay dhex dhexaadka kaga ahayd Xiisada Khaliijka.
Dhanka kale Go,aanka maamulka Hargeysa ayaa u muuqda tageero cad oo ay siinayaan kuna maslaxayaan wadanka imaaraadka oo ay aad uga dambeeyaan waxay kale oo noqon kartaa in uu sucuudigu Balan qaadyo been ah iyo Laalush u balan qaaday taasna ay arrintan ku riixday.
Ugu danbeyn Maamulka Hargeysa malaha awood uu ku xakeemyo badda Soomaaliya iyo Hawada Qadarna sideedii ayey u adeegsan doontaa!.