Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Xukuumadda oo si kulul uga hadashay Qaraxii lagu dilay Injineero Turki ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay Qarax is-miidaamin ah oo barqadii Maanta ka dhacay deegaanka Lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan dowladda iyo Injineero Turki ahaa.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibrahim Macallimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumadda ay Cambaareyneyso qaraxaas lala beegsaday Ciidanka Booliska Haramcad iyo Injineerada Turkida ahaa ee dhigayay wadada xiriirisa Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Halkaan Riix si aad u daawo Muuqaalka Afhayeeka Xukuumadda.

Dowladda ayuu Afhayeen Macallimuu sheegay inay tacsi u direyso dadkii ku geeriyooday qaraxii Maanta ee isugu jiray Ciidanka iyo dad shacab ah oo xiligaas goobta Agdhawaa, isla markaana uu jiro khasaaro dhaawacyo ah.

Ugu yaraan saddex Askari iyo hal ruux oo Turki ah ayaa ku geeriyooday Qaraxii Maanta ka dhacay deegaanka Lafoole, halka dad ku dhow 7 qof oo afar kamid ah yihiin Injineero Turki ah ay ku dhaawacmeen weerarka.

Exit mobile version