WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Xukuumadda oo Gurmad Deg-deg u direysa shacabka ay saameeyen Abaarta Jirta

By xuseen waashitoon

October 20, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay abaaraha baahsan iyo biyo la’aanta ka jirta degaano dhowr ah oo ka tirsan dowlad Goboleedka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu sheegay inuu xanuunka la qeybsanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku tabaaleysan Gobolada Jubbaland, wuxuuna xusay in qeylo dhaan darran ay kasoo gaartay Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa Carabka ku dhuftay inay Go’aan ku gaareen in gurmad deg deg ah berrito la gaarsiinayo dadka ay saameeyeen Abaaraha, isla markaana la dardar-gelinayo badbaadinta shacabka dhibaateysan oo u baahan gurmad xoogan.

Sidoo kale Maxamed Xuseen Rooble ayaa Beesha Caalamka, Hay’addaha Gargaarka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay in ay kaalin ka qaataan, sidii loo gargaari lahaa dadka kunool Gobolada Jubbaland ee Abaarta la il daran xiligaan.

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose iyo Gedo ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka jirta abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo saameyn xoogan ku yeeshay dadka iyo duunyada, waxaana dadka ku adkaatay nolosha, ayna le’deen xoolihii ugu badnaa..

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO