Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Xukuumadda Muqdisho oo ka aamusan dhibaatada lagu hayo Soomaalida Koonfur Afrika-Video

Muqdisho (HM)- Dowladda Federaalka ah ayaa waxa ka aamusan tahay rabshadaha iyo boobka ka dhanka dhan ah Ajaaniibta ku nool Koonfur Afrika, kuwaasi oo ay ku jiraan dad Soomaaliyeed.

Rabshadaha oo ka socda magaalooyin kala duwan ayaa illaa iyo hadda la hubiyey inay ku naf-waayeen shan. Booliska oo tirada xaqiijiyey ma shaacin jinsiyadaha xili laga cabsi qabo in ay Soomaali kamid yihiin.

Mehrado ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah ayaa lagu waramayaa in ay bilaliqeysteen Koonfur Afrikaanka ah qulqulatooyinka hogaaminaya kuwaasi oo illaa iyo haatan xabsi laga dhigay 40 qof.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Safaaradda Soomaaliya iyo xukuumadda Muqdisho midkoodna wali kama aysan fal-celin dhibaatooyinkan xili qaar kamid ah dowladaha ay dadkooda ku nool dalkaasi ay cambaareeyeen falalkn.

“Wax cudardaar malahan weeraradda ka dhanka ah ajaaniibta,” sidaasi waxaa yidhi Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, kaasi oo muuqaal uu luqad adag ku adeegsanayo soo duubay.

Dowladaha Itoobiya, Nigeria iyo Zambia oo muwaadniintooda ay wax ku noqdeen rabshadahaasi ayaa ku tilmaamay “falal wuxushnimo ah” iyaga oo Koonfur Afrika ku sifeeyay dal u muuqda “in aysan dowlad ka jirin”.

Ururka Midowga Afrika oo cadaadiska kusii kordhiyey dowladda Koonfur Afrika ayaa ku tilmaamay dhacdooyinkaasi kuwa aanan loo dulqaadan karin, una baahan xal kama dambeys ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dalkan laga soo wariyo falal ka dhanka ah ajaaniibta waliba lagu beegsado hantidooda qaarkoodna gebi ahaanba nolosha lagu dhaafiyo oo ay Soomaali ku jiraan.

Sanadkii 2015-kii ayay ahayd markii ugu xumeyd gulufyadda naceybka ee ka dhanka ah ajaaniibta degan dalkan, xiligaasi oo shisheeyaha wadankaasi ku nool gabaad looga dhigay garoon kubada cagta lagu dheelo.

Exit mobile version