WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo Maanta lagu toogtay Muqdisho

By xuseen waashitoon

November 03, 2022

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee ayaa waxa ay Maanta fagaaraha Iskuul Buluusiya ku toogatay laba NinĀ  oo kamid ahaa Al-shabaab, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Cumar Aadan Maxamed & Cabdulle Axmed Muumin.

Maxkamadda ayaa raggaan ku heshay inay Muqdisho ku dileen 12/10/2019 Cabdullaahi Maxamed Hilowle oo katirsanaa dowladda Hoose ee Xamar & Cali Cabdulle Maxamed oo Ciidamada Millateriga katirsanaa 13/11/2019.

Raggaas la toogtay ayaa waxaa Al-shabaab ku biireen sanadihii 2014-kii & 2018-kii, iyaga oo ku kala sugnaa tuulooyin hoosyimaada Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose & degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa kaloo Cumar Aadan Maxamed & Cabdulle Axmed Muumin fuliyeen weeraro ka dhacay degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, hayeeshee markii dambe loo soo wareejiyay Magaalada Muqdisho oo ay dilal ka fuliyeen.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA