Garoowe ( HM ) Barlamaanka Puntland oo maanta dhegaystay Khudbadaha Wasiirada Cusub ee Puntland ayaa Goor dhowayd waxay Ansixiyeen Golaha Wasiirada, kuwaasi oo ka kooban 47 Isugu Jira Wasiiro ,Wasiiro Ku xigeeno iyo Wasiiru Dawlayaal.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyay kullanka barlamaanka, waxaa uu sheegay in xukuumadiisu ay xooga saari doonto arrimaha ay ka mid yihiin hirgalinta isbedelada ka dhacay Puntland iyo tayaynta hay’adaha dowladda, taabagalinta iyo saraynta sharciga si loo helo hay’ado dowli ah oo is-korjeegteeya iyo xoojinta wadashaqaynta laamaha kala duwan ee dowladda.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wuxuu kaloo sheegay in xukuumadiisu ay dib u habayn ku samayn doonto hay’adaha amniga, xaqsiinta ciidamada puntland ay mudnaan gaar ah siin doonto. sidoo kale wuxuu sheegay in waqti hore ay bilaabi doonaan Nidaamka axsaabta badan si dadku u soo doortaan madaxdii matali lahayd
Khudbadiisa waxaa kaloo uu kaga hadlay xiriirka dowladda federaalka iyo Puntland, nidaamka federaalka iyo shirka lagu ballansan yahay inuu ka dhaco Garoowe bisha Maarso kaasi oo lagu lafaguri doono khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.