WARARKA SOOMAALI

Daawo Xog:Maxaa laga filan karaa Shirka Muqdisho uga socda Madaxda Maamulada iyo Dowladda dhexe-Video

By Abdi rashid

November 01, 2017

Hay’adda Cilmi baarista ee Heritage ayaa rajo wanaagsan ka muujisay  in natiijo wax ku ool ah ay kasoo baxdo shirka magaalada Muqdisho uga socda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

C/rashiid Khaliif, agaasimaha hay’addaasi oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay in wax walbo oo la kala tabanayo la isugu yimaado miiska wadahadalka.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxa uu sheegay agaasimaha iney wanaagsan tahay shirkaasi lagu soo daro cid walbo oo ay quseyso ajendaha shirka, sida arrimaha Dastuurka, doorashada iyo wixii lamid ah.

Arrinta ugu weyn ee in laga heshiiyo mudan ayuu sheegay iney tahay siyaasadda, kadibna ay is furfuri doonaan wax walbo, sida amniga iyo wixii la mid ah.

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya shirka dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana looga hadlayaa arrimo badan oo muhiim ah.