Arintan ayaa soo shaac baxday kadib markii gabdho la shaqeeya kooxdan ay fuliyeen qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, 24-kii July 2019 Taasi oo lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir.
Waxyaabaha yaabka leh ee Barnaamijka uu shaaca ka qaaday ayaa ah in Alshabaab ay inta badan ku guul-darreysato inay xubno ay soo dirto ay soo dhex-geliso dowladda, balse dadka la shaqeeya ay yihiin kuwa dowladda horey ugu jiray.
HALKAN KA DAAWO VIDEO IYO XOG
Habka ugu fudud ee Shabaab ay adeegsato ayaa lagu sheegay inay tahay inay lacag siiyaan xubno dowladda ka tirsan oo dhaqaale ahaan liita, ama ay ka beegsadaan halka uu ka jilcan yahay, sida in loo hanjabo caruurtiisa ama qof uu jecel yahay.
Waxyaabaha kale ee fashilka ku ah dowladda, islamarkaana sahla in Alshabaab ay ka dhex-shaqeysato, ayaa lagu sheegay inay tahay isbeddelka tirada badan ee lagu sameeyo saraakiisha Amniga dowladda.
Xubin horey uga tirsanaa Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday saddex hab oo Alshabaab ay adeegsato oo ay ku dhex-gasho dowladda Soomaaliya.