Wararka imaanaya magaalada Widh-widh ayaa waxay sheegayaan inuu Halaasi shir uga socdo Dr. Cali Khaliif Galaydh madaxwaynihii khaatumo iyo Xubno ka tegay Buuhoodle oo uu ka mid yahay Gudoomiyihii Baarlamaanka Maxamuud sheekh Cumar.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dhinaca kaleĀ Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Khaatumo oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Buuhoodle ayaa kasoo horjeestay Shirkaasi, waxayna ku tilmaaneen inuu yahay mid shirqool ah oo lagu duminayo maamulka khaatumo, Waxayna ka digeen waxa kasoo bixii doonaa shirkaasi.
Waayadan dambe waxaa sii xoogaystay Xiisada u dhaxaysa maamulkii Khaatumo, Iyadoona uu horay laba dhinac ugu kala qaybsamay.