HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Xildhibaanadii isaga baxay fadhigii golaha wakiilada Soomaliland oo warbaahinta hadlay iyo xiisad ka taagan Hargeysa-Video

Hargeisa ( HM ) Mudanayaasha golaha wakiillada maamulka  Somaliland ee kasoo gala gobollada Sool, Sanaag iyo Awdal ayaa ka baxay fadhigii golaha maamulka Sooliland ee maanta iyaga oo sheegay in aan doorasho la qaban karin ilaa laga heshiiyo saami qeybsiga kuraasta golaha.

Xildhibaan kamid golaha wakiillada Somaliland ee kasoo baxay   Kulanka  ayaa yidhi “Haddaan nahay beelaha Ayu-Hal Nebiga, ma yeelayno ilaa dadka yaga la tirakoobo,  oo saamiga sax loo qaybsado in doorashada la galo”

Gobollada Sool, Sanaag iyo Awdal ayaa golaha wakiillada ku leh 23 mudane halka gobollada kale ee Beesha Dhexe ay Baarlamaanka ku leeyihiin 59 xildhibaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Exit mobile version