Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Xildhibaanadda Aqalka sare oo goordhow isku raacay in Dalka laga mamnuuco Shirkadda DP World ee imaraadka-Video

Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Magaalada Muqdisho, waxay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen in shirkadda DP World aysan dalka Soomaaliya ka howlgali karin.

28 ka mid ah xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa ogolaatay in dalka laga saaro shirkadda DP World, 6 ka mid ah xubanaha Aqalka Sare ayaa diiday halka 2 Mudane ay ka aamuseen, taasi oo ka dhigan in kulanka ay soo xaadireen 36 xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa warbaahinta u sheegay in xeerkan uu ka soo gudbay Golaha Aqalka Sare wixii hada dambeeyana uu u gudbay Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Isniintii sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ka sameysay Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Exit mobile version