Xildhibaan Daahir Amniin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada BFS ayaa si kulul uga hadlay Shir Jaraa’id oo uu qabtay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kadib markii ciidamo cusub ay la geeyay xarunta baarlamaanka.
Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in Wasaarada amniga uu uga mahadcelinaayo talaabada ay ciidamada cusub ku geysay xarunta baarlamaanka Soomaaliya.
Waxa uu Jeesow sheegay in Guddoomiye Jawaari iyo ciidamada laga eryay xarunta ay ahaayen kuwo si gaara daacad ugu ahaa Jawaari, waxa uuna sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan muddo 3 cisho ah tagin Xarunta Villa Hargeysa, kadib markii ay ciidamada bilaabeen in Xildhibaanada ay ku dhibaan galiinka xarunta.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Waxa uu sheegay in ciidamada ilaalada ka ah xarunta ay si cad galitaanka xarunta ugu diideen Xildhibaan keliya ka hor imaaday Jawaari, waxa uuna taa ku micneeyay in xarunta aysan aheyn mid dowladeed balse uu is laheysiiyay Jawaari.
Guddoomiye Jawaari, ayuu ku eedeeyay ku tagrifal dastuurka iyo xeer hoosaadka, waxa uuna talaabo fool-xun ku sheegay khaladaad dhowr ah oo uu ku adkeysanaayo Jawaari.