Wararka ka imaanaya deegaanka tukaraq oo ka tirsan Gobalka Sool ayaa sheegaya in xaaladda deegankas ay tahay mid kacsan kadib markii ay ciidamo badan oo ka duwan sidii hore soo dhoobeen Maamuladda ku hardamaya ee Puntland iyo Somaliland,Shacabka deegaanka ayaa iyagu ka barakacaya deegaanka kadib markii xiisaddan soo cusboonaatay.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Xiisaddan ayaa kusoo aadaysa xili xubno ka tirsan Maamulka Puntland oo Xildhibaano u badan iyo saraakiil kale ay ku hoyanayen Deegaanka si ay dhoola tus siyaasadeed iyo xiisad dagaal u tusaan Maamulka Somaliland oo isagu deegaankaas gacanta ku dhigay bilo ka hor kadib dagaal aan dhiig ku daadan oo Puntland kaga baxday Halkaas.