WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xidhiiidhka Diblumaasi ee Dalalka Suudaan iyo Masar oo sii xumaanaya-Video

By Abdi rashid

January 06, 2018

Xiriirka labada dal ee Masar iyo Sudan ayaa gaaray meel xun kadib markii dowlada Sudan ay u yeeratay safiirkeeda dalka Masar iyadoo ku tilmaantay dib u yeerista safiirka inay tahay wada tashi kaliya.

Dowlada Masar ayaa sheegtay inay qiimeyneyso go’aanka ay dowlada Sudan gaartay ayna jawaabta ku habboon ka bixin doonto.

Qaahira iyo Khartoum ayaa isku haya labo arrimood oo tan hore ay tahay lahaanshaha Halayeb oo ah dhul ku yaal xadka labada dal iyo dowlada Masar oo ku eedeysay dowlada Sudan inay la safatay wadanka Ethiopia khilaafka ka jira biyo-xireenka ay dowlada Ethiopia ka dhiseyso wabiga Nile.

Masar ayaa dhowaan waxa ay soo jeedisay in wadahadalada wabiga Nile laga reebo dalka Sudan sida uu qoray wargeyska ka soo baxa dalka Ethiopia ee Addis Fortune.

HALKAN KA DAAWO VIDEO