Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Xasan Sheekh oo ka hadlay Dagaalka Xeraale Dowladana dhaliil u jeediyey-Video

Muqdisho ( HM) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Waraysi dhinacyo badan Taabanaya Wuxuu Siiyey Idaacada VOA,  Wuxuuna ugu horayn baaq nabadeed u direy beelo ku dagaalamaya deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Xasan sheikh  ayaa ugu baaqey waxgaradka deegaanka iyo mas’uuliyiinta maamulada Galmudug, HirShabelle iyo dowlada dhexeba in ay arrintan u istaagaan xalkeeda.

Madaxweyne Xasan waxa uu sidoo kale waramey caqabadaha kala heysta dowlada dhexe iyo maamul-goboleedyada dalka, Wuxuuna xusay inuu Jiro Shaki ka dhex taagan labada dhinac.

HALKAN KA DAHAGAYSO

Dawladda dhexe ayaa ugu baaqay inaysan ku mashquuliin Arimaha gaarka ah ee maamulada, wuxuuna xusay in looga baahan yahay Fududayn, Balse aan looga baahnayn inaysan cid gaar ah soo dhowaysan. “Awoodii Dawladda dhexe in si aan Haboonayn loo isticmaalo Sax maaha”.

Waxaa sidoo kale wax laga waydiiyey Xasan sheekh oo dib loo Xasuusiyey Xiisadii kala dhaxayn jirtay Xiligiisii Maamulada, Wuxuuna xusay in wakhtigaasi ay ahayd dhisitaan.

Arrimaha kale ee uu ka hadlay waxaa ka mid ah doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan oo ay ku jirto tan madaxweynaha ee 2021.

Wariyaha Idaacadda VOA-Somali Falastiin Axmed Iiman ayuu u waramey , Wuxuuna Waraysiga ug ahadlay Arimo kale oo dhowr ah.

Exit mobile version