WARARKA SOOMAALI

Daawo:-xaguu ku dambeeyay Dhismihii Derbigii Kenya ka waday Xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto-Video

By Abdi rashid

April 01, 2018

Dadaallo lagu dhaqan-gelinayo go’aannadii Madaxda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadanaa joojinta dhismaha derbiga BaladXaawo ayaa socday maalmihii ugu dambeeyey.

Masuuliyiin ka socda labada dhinac ayaana lagu soo waramayaa inay ka shaqeynayeen dhaqan-gelinta go’aankii ay isla meeldhigeen labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo, oo ay ku jiraan Maamullada Degmooyinka Mandheera iyo Beled-Xaawo ayaa kormeeray Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna ujeedkoodu ahaa inay u kuurgalaan dhaqangelinta go’aankii lagu joojinayey dhismaha derbiga Balad-Xaawo, go’aankaas oo si wadajir ah uga soo baxay Madaxweyneyaasha labada dal ee deriska ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Masuuliyiinta ayaa markii ay kusoo wareegeen labada dhinac ee dhismaha derbiga waxay u sheegeen bulshada degaanka iyo Warbaahinta in la dhaqan geliyey go’aannaddii madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya lana joojiyey dhismihii derbigaan muranka dhaliyey.