Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Xaaladda Deegaanka Tukaraq iyo Xubno ka socda Maamulka Somaliland ee G.Sool oo maanta gaadhay-Video

Deegaanka Tukaraq oo dhawaan ay ku dagaalameen Maamulada Puntland iyo Somailand ayaa hadda xaaladuusu degan tahay,waxaana saaka deegaankaas gadhay saraakiil iyo xubno ka socda maamulka Somaliland,gaar ahaan Gudoomiyaha Gobalka Sool ee maamulka Somaliland Cabdi Khayre iyo xubno saraakiil ciidan ah oo uu hor kacayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cabdi Khayr Gudoomiyaha Gobalka Sool ee Maamulka Somaliland ayaa ujeedka socdaalkiisa ku sheegay in uu u kuur galayo xaalada ciidamada iyo degaanka uu dagaalki ka dhacay,wuxuuna ciidamada halkaas ku sugan ku amaanay howl galkii ay kula wareegeen Tukaraq waxaana uu sheegay ciidamo gudanayey wajajibaad saaran.

Magaalada Tukaraq ayaa 50 KM u jirta magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland,dhawaan waxaan la wareegay ciidamada Maamulka Somaliland iyaga oo halkaas ay horay ugu sugaanayeen ciidamada maamulka Puntland.

 

Exit mobile version