Jigjiga ( HM ) Warbaahinta Aljazeera ayaa Warbixin ku eegtay magaalada Jigjiga, oo dhacda Goob muhiim ah islamarkaana ah Hada Xudunta isku xidha Soomaaliya iyo Itoobiya. Magaalada ayaa samaynaysa Kobac dhaqaalle, waxaana laga dareemayaa Horumar Xowli ku socda, Sidoo kale waxaa Warbixinta lagu waraystay Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Warbixinta ayaa waxaa kasoo dhex muuqan doona Taallada Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Jigjiga, Iyadoona Sayidka oo ku dhashay duleedka Buuhoodle lagu Xasuusto Halgankii dheeraa ee Isaga iyo Ciidankii Daraawiistu ay la galeen Gumaystihii Ingiriiska.
Deegaanka ayaa waxay horay uga mamnuuc ahaa inay tagaan Warbaahinta Madaxa banaan, Kuwaasi oo dhibaato kala kulmi Jiray inay Xog ka helaan xaalada deegaanka iyo Dhacdooyinkii Murugada badnaa ee ka jiray.