WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo saxiixay laba siyaasadood

By Xuseen Post

May 26, 2021

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumaddda Federaalka Xasan Xuseen Xaaji ayaa saxiixay laba siyaasadood oo kala ah Siyaasadda Xaquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Siyaasadda tababarada ee Wasaaradda Gaashaandhigga

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay baahida ay Wasaaradda u qabto dhaqan-gal ka iyo dardargelinta labada Siyaasadood ee uu maanta qalinka ku duugay.

Sidoo kale Siyaasada Tababaradda ayuu ku  tilmaamay in udub -dhexaad u noqon doonto hagidda tababaradda iyo jiheynta sare-u-qaadidda aqoonta howlwadeennada Wasaaradda iyo Saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO WARBIXINTA

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayen Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda ayuu Wasiirka kula dardaarmay fulinta siyaasadahan iyo  dhaqan galkooda, si loogu adeego shacabka si ay ku dheehantahay  Daah-furnaan iyo isla xisaabtan dhab ah .