WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Weeraro khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho iyo K/Galbeed

By Xuseen Post

May 23, 2021

Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay xalay weeraro kala duwan oo khasaaro geystay ka fuliyeen Magaalooyinka Muqdisho iyo magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay Muqdisho gaar ahaan degmada Kaxda kadib markii weerar bambaano lagu qaaday saldhiga Booliska degmada kaxda ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in weerarka bambaano kadib uu dhacay dagaal dhex-maray kooxihii weerarka soo qaaday iyo Ciidamada Booliska saldhiga degmada Kaxda oo iska caabiyay.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka iyo Warbixinta.