WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

By Xuseen Post

May 02, 2021

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Guri ku yaal degmada Raaga-ceelle ee gobalka Shabeellaha dhexe, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed.

Warar kasoo baxayay weerarkaas ayaa waxaa ay sheegayeen in Al-Shabaab ay Nolosha ku kaxeysteen Nin ahaa Nabadoonkii degmada oo lagu Magacaabo Axmed Jilcane, hayeeshee War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay dileen Ninkaas, isla markaana uu ahaa Sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Warar lagu daabacay Baraha Internetka ee taageera Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in la gubay Laba Gaari oo NOHA ah oo uu lahaa Nabadoon Axmed Jilcane.

Halkaan si aad u Daawato Muuqaalka Warbixinta.