WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Weerar khasaaro dhaliyey oo Maanta ka dhacay dalka Jarmalka

By xuseen waashitoon

November 06, 2021

Afhayeen u hadlay Booliska Federaalka Jarmalka ayaa sheegay in maanta oo Sabti ah weerar mindi loo adeegsaday lagu qaaday  dad saarnaa Tareen isaga kala gooshayay  magaalooyinka Regensburg iyo Nuremberg ee gobolka Bavaria ee koonfurta Jarmalka.

Sida uu sheegay Afhayeenka Booliska xilliga la weeraray Tareenka ayaa waxuu  taagnaa xarunta Tareenada ee Zuipersdorf,  weerarka lagu qaaday Tareenka ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo Rakaab ah.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa  jariidada Jarmalka ee Bild ayaa sheegtay in Sedax qof ay ku dhaawacmeen weerarka.

Lama oga ilaa hadda waxa sababay weerarkan  iyo cida fulisay, waxana durbadiiba gobta soo garay Ciidamada Booliska Jarmalka, oo halkaas baaritaano ka waddo.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO