Ra’iisal wasaarihii dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa is casilay Khamiistii 15- ka Febraayo 2018, waxayna Itoobiya gashay xaalad degdeg ah iyo marxalad siyaasadeed oo aan la saadaalin karin.
Is-casilaada Desalegn ayuu sabab uga dhigay isbedel siyaasadeed oo dalka Itoobiya ka dhaca, laakiin waxaa shaki badan dhaliyey markii lasoo celiyey xaaladii degdega ahayd oo muujineysa inuu khilaaf ka dhex jiro isbaheysiga talada haya ee ay hoggaanka u heyso TPLF.
Arrintan waxay timid iyadoo labadii sano ee ugu danbeysay ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeeday oo dad badan lagu dilay, laguna xirxiray kumanaan kale, waxaana qowmiyadaha kacdoonka wada ee Oromada iyo Amxaaradda ay dadka dalkaasi ka yihiin 60%.