Garoowe ( HM ) Waxgarad, Wasiiro iyo Masuuliyiin ka tirsan Puntland, kana soo jeeda Gobolada SSC oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe, ayaa si kulul uga hadlay Dacwadda lagu soo Oogay Kornayl Tuke oo kamid ahaa Saraakiishiii Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, Taasi oo ka socota dalka Maraykanka.
Waxay Somaliland ugu baaqeen inay ka Laabato arintaasi, waxayna sheegeen in in Col. Tuke aysan Jirin wax dhibaato ah oo uu gaystay, Sidoo kale waxay Jabhadii SNM ku eedeeyeen inay Gaysatay Gabood Fallo iyo Xasuuq Tiro badan, hadana aysan jirin cid dacwad ku furtay, iyadoo Soomaali dhibaato kala gaadhay.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud Gaadiidka iyo Guryaynta Puntland Maxamed Xuseen Xaashi ayaa sheegay inuu yahay Nin Aqoon leh Col. Tuke oo markii hore wax kusoo bartay Maraykanka, Waxayna sheegeen inay tahay been abuur lagu raadinayo Aqoonsi, Balse aan sidaas lagu heli doonin.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wasiirka deegaanka iyo Beeraha Prof. Ismaaciil Diiriye Gamaadiid ayaa sheegay inuu Aqoon dheer u leeyahay Col. Cabdi Cali Yuusuf [Tuke] , Wuxuuna xusay in maanta madaxda Somaliland ay ahaayeen Kuwii Xasuuqa ka gaystay gobolada Waqooyi, Wuxuuna si gaar ah ugu eedeeyay Dagaaladii Boorame, Kalshaale Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi.
Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska Col. Cali Sabaray ayaa dhankiisa sheegay inuu Col. Tuke isagu dhibane yahay, Wuxuuna xusay in Dacwaddu ay tahay been la abaabulay, Wuxuuna sheegay inay Waxyaabo cadayntoodii wata oo rasmiya ay ku ogyihiin madaxda Somaliland taasi oo ay ka gaysteen Gobolada SSC.