WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wasiirkii Puntland ee Daacish qaraxa u dhigtay oo ka hadlay sida wax u dhaceen-Video

By Abdi rashid

August 04, 2019

Boosaaso ( HM ) Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qarax miino oo saaka lagula beegsaday gudaha magaalada Boosaaso Wasiirkii hore ee Qorsheynta Maamulka Puntland Shire Xaaji Faarax, Iyadoona uu si Dirqi ah uga badbaaday Wasiirka, Halka uu dhaawac soo gaadhay Qaar kamid ah Ilaaladiisa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Daacish oo Qaybo kamid ah Puntland ka dagaalanta ayaa sheegtay  qarax miino u dhigeen wasiir hore Shire Xaaji Faarax xilli uu marayey nawaaxiga hoteel Shabeelle ee magaalada Boosaaso,  iyadoo ay ku dhaawacmeen labo kamid ah ilaalada wasiirkii hore balse isagu ka badbaaday.

Wasiirkii hore qorsahynta iyo xidhiidhka caalamiga ee Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa waxaa uu sheegay in wax saamayn ah aysan ku yeelan doonin weerarkii maanta ka dhacay Bosaso ee dhaawac uu kasoo gaaray ilaaladiisa.

“Waxay ahayd Bumbo aad u balaadhan, aniga khasaare ima soo gaadhin, Nalagu Bajin mayo, Saddex askari ayaa wax soo gaadheen, Hal Askari ayaana culus oo lug ka jabay,  Waxaana ka xumahay in Boosaaso ay arimaha noocan ah ka dhacayaan,  Waxaana shacabka Boosaaso ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan Amnigooda, oo ay la shaqeeyaan Dawladdooda”. Ayuu yidhi Shire Faarax.