HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti oo deg deg ula hadlay Shacabka, Wararkii ugu dambeeyay.

Hargeisa  ( HM ) –Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Jabuuti ayaa u Hanjabay Shacabka , kadib Banaanbaxyo ka dhacay Qaybo kamid ah  dalka Jabuuti, kuwaasi oo lagu dalbanayey inuu Cadaalad ku helo  Duuliye Fu’aad oo ka tirsanaa ciidamada Cirka ee Jabuuti, Islamarkaana dhowaan Xabsiga muuqaal kasoo duubay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka arimaha Gudaha Muumin Axmed ayaan ka hadlin Arinta Fu’aad  Balse wuxuu Fariin iyo digniin u diray shacabka dhigay Banaanbaxa,  wuxuuna xusay inay tallaabo ka qaadi doonaan.

“Amniga inuu Qofna ku Xadgudbo ma Ogolaan doono, Waxaan dadka  leeyahay is waydiiya Halkee ayaad ku socotaan, Dawladnimada Nidaam ayay leedahay, Wadanka sharci ayuu leeyahay , ma jirto Qof ka sareeya Sharciga, Qofkasta oo sharciga ku Xadgudba waa lasoo qaban doonaa”. Ayuu yidhi wasiirku..

Xigasho: Kalshaale.com

Sawirka Wasiirka arrimaha Gudaha Jabuuti.
Exit mobile version