Laascaanood ( HM) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamijka DOOD-WADAAG ee ka baxa Telefeshinka Universal kaasi oo horay uu usoo jeedin jiray Wariye Cawil daahir Salaad oo lagu dilay magaalada Muqdisho Dhamaadkii Sanadkii hore.
Wasiirka Arimaha Debedda DF Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa marti uu ku Noqday Barnaamijka oo uu soo Jeedinayo Wariye Cagmadhige, Waxaana lagu daah Furay Taariikhdiisa oo kooban isagoo horay usoo noqday Safiirka Soomaaliya ee magaalada Washington ee dalka Maraykanka, Sidoo kale kasoo shaqeeyay QM, islamarkaana door fiican ku lahaa Dhisamaha Dawladnimo ee Soomaaliya.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Ugu horayn Wasiir Cawad ayaa tacsi ka diray dadkii Soomaaliyeed ee lagu dilay Kismaayo, Wuxuuna xusay in Wasaaradda Arimaha debeddu ay bixin toonto Sanad kasta Abaal Marin loogu magac daray Hodan Naaleeye, Taasi oo lasiin doono Qof Soomaaliyeed oo dalkiisa ka bixiyey Sawir wanaagsan.
Wasiir Cawad waxaa uu ka hadlay Shirka uu magaalada London uga Qayb galay, Arimaha looga hadlay, Kulamo uu la yeeshay Madaxda Dawladda Ingiriiska Iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed.