WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wasiirka Amniga oo soo saaray Amar ka dhan ah Ciidanka NISA ee Garoonka

By xuseen waashitoon

January 02, 2022

Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Cabdullaahi Maxamed Nuur soo saaray amar cusub oo ku socda Kusimaha Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Yaasiin Fareey.

Qoraal uu soo saaray Wasiir Cabdullaahi ayuu Kusimaha Taliyaha NISA ku faray inuu mas’uuliyadda Amniga ee Ciidanka NISA ka hayeen Garoonka diyaaradaha ay ku wareejiyaan Ciidanka Booliska, dibna ula soo laabto dhammaan Ciidankii ka howlgalayay halkaas .

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay soo bateen cabashooyinka ay NISA kasoo gudbiyeen hay’addaha dowladda ee ka howlgala gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isla markaana ay ku kaceen xadgudubyo kala duwan.

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa caddeeyay in amarka uu soo saaray uu quseeyo oo kaliya Ciidanka dharcadka ee NISA kana howlgala Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde..

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA