WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wasiirka Amniga oo Digniintii ugu cusleyd kasoo saaray Amniga Degmada…

By xuseen waashitoon

December 12, 2021

Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in laamaha amniga ay tallaabo adeg ka qaadi doonaan kooxaha falalka amni darro ka wada degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Wasiir Cabdullaahi ayaa waxaa uu sheegay inay soo gaartay cabasho dadka deegaanka Kaaraan kasoo gudbiyeen koox hubeysan oo ku lebisan deriska Ciidanka dowladda iyo kooxo Ciyaal weero ah oo dhibaato ku haaya shacabka.

Wasiirka amniga Xukuumadda ayaa tilmaamay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono kooxaha amni darro ka wada Kaaraan, isagoona arrintaas amar u siiyey Ciidanka ammaanka degmada oo uu sheegay in la dagaalami doonaan cid kasta oo amni darro wada.

Saraakiisha Ciidanka dowladda ee degan Kaaraan ayuu Wasiirka amniga dalbaday in Ciidanka ilaalada u ah aysan xabad ku ridin gudaha degmada, isla markaana dhac u geysan shacabka,  wuxuuna Saraakiisha ka codsaday inay la shaqeeyaan Ciidanka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA