WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wasiir Bayle oo lagu amaray inaan qarash laga bixin qasnadda Dowladda iyo booqasho kadis ah Mahdi Guuleed-Video

By Abdi rashid

July 27, 2020

Muqdisho ( HM ) Kadib markii uu baarlamaanku codka kalsoonida kala noqday Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa amar kasoo baxay Madaxtooyadda lagu amrayay in Qasnada dowladda, gaar ahaan wasaaradda maaliyada lagala bixi karin wax lacag ah, amarkaasi oo uu fuliyay wasiirka maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa amarkaasi sidoo kale sii adkeeyay maanta sii-hayaha xilka ra’iisul wasaare Mahdi Maxamed Guuleed oo kormeer ku tegay xarunta wasaaradda maaliyada, Wuxuuna mas’uuliyiinta wasaaradda kala hadlay dardar gelinta shaqooyinka iyo inaanu Saamayn ku yeelan isbedelku dhacay howlaha ay qaranka u hayso wasaaraddu.

Mahdi Guuleed ayaa kulan wada jir ah la qaatay wasiirka maaliyadda, kuxigeenadiisa, agaasimayaasha iyo howlwadeenada wasaaradda maaliyada, isagoona ku wargeliyay amarka kasoo baxay madaxweynaha ee xayiraada qasnada dowladda.

Siihayaha wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle oo sii hayaha ra’iisul wasaaraha ku soo dhaweeyay wasaaradda ayaa sheegay in ay ka wada hadleen dib u habeynta dhaqaalaha iyo qodobo kale.

“Waxa aan ka wada hadalnay ku simaha ra’iisul wasaaraha dar-dar galinta howlaha Maaliyadda, sida dib-u-habeynta dhaqaalaha, sare u qaadidda dakhliga dalka iyo saameynta dhaqaale ee Fayruska Korona” ayuu yidhi Dr. Beyle.

Horufadhi News