WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wasiir Bayle oo la kulmay Wiil Dhalinyaro ah oo Shalay markuu Jaamacadda ka baxay Baraha Bulshada qabsaday-Sawiro

By Abdi rashid

January 31, 2018

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ismaaciil Axmed Maxamuud, kaasoo ka mid ahaa arday shalay ka qalin jebisay Jaamacadda SIMAD.

Ismaaciil oo ah wiil dhalinyaro ayaa qabsaday baraha bulshada, kaddib markii uu ka soo muuqday xafladii qalin jebinta, waxaa uu ka mid ahaa yahay dadka baahiyaha gaarka qaba, waxayna dad badan dareen ku abuurtay sidii uu ugu soo dhabar adeegay waxbarashadiisa jaamacadeed.

Wasiir Beyle ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xafiiskiisa ku qaabilo Ismaaciil Axmed oo ka qalin jebiyay Kuliyadda Bankigga iyo Dhaqaalaha ee Jaamacadda SIMAD.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta Xafiiskeyga ku qaabilay Ismaaciil Axmed oo ah arday ka qalin jabiyay Kuliyadda Banking & Finance ee Jaamacadda SIMAD.. Guusha Ismael iyo ardayda kale ee Soomaaliyeed waxay tilmaam u tahay mustaqbalka fiican ee naga horeeya. Guul, Horumar iyo farxad” ayuu Wasiir Beyle qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Dad badan oo isugu jira madax hore iyo mas’uuliyiin ayaa u soo hambalyeeyay qaliin jebintiisa, isagoo tusaale u noqday dhammaan dadka baahiyda gaarka ah qaba ee Soomalaiyeed, isla markaana muujiyay dhabar adeeg ah in aysan baahiyada gaarka aheyn jirka ee ay tahay doonista iyo Go’aanka.