Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo Wareysi:-imaaraadka iyo Soomaaliya oo wada hadlaya,xili xiisaddii labadda Dal ay cirka isku sii shareertay-Video

Wasiirka Wasaaradda arrimahad dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku sugan magaalada Dammmaam ee dalka Sacuudiga halkaa oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Ururka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in wada hadalo toos ah ay u bilaawdeen Soomaaliya iyo Imaaaraadka Carabta.

Wasiirka oo soo hadal qaaday qodobadii ugu muhiimsanaa khudbadii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay shirka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in madaxweynuhu sharaxaad ka bixiyay hormarada kala duwan oo ay ku talaabsatay Soomaaliya.

‘’Madaxweynuhu wuxuu khudbadiisa uga hadlay hormarka ay Soomaaliya ku talaabsatay, wuxuu kaloo weydiistay caalamka Carabta in go’aamadii ka soo baxay shirarkii hore ee Jaamacada Carabta iyo kan hadda soo dhamaaday ee ku aadan taageerada Soomaaliya in la fuliyo, madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay sida ay lagama maarmaan u tahay midnimada caalamka Carabta islamarkaana la ilaaliyo walaalnimada iyo sharafta’’

Dhinaca kale Wasiirka ayaa beeniyay ay jirtay dacwad ka dhan ah Soomaaliya oo Imaaraadku u gudbiyeen Jaamacada Carabta gaar ahaan dowladda Sacuudiga oo shirka marti-galisay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mar uu ka jawaabay su’aal aheyd madaama uu xumaaday xiriirka labada dowladdood Soomaaliya iyo Imaaaraadka in ay jiraan dowladdo isku dayaya in ay arintan dhaxdhaxaadin ka galaan, ayuu sheegay in ay bilaawdeen wadahadalo toos ah oo u dhaxeeya labada dowladood laakiin aysan jirin cid dhaxdhaxaadineysa.

‘’Xiligan wax dhaxdhaxaadin ah oo socta ma jirto, laakiin waxaa socda wadahadalo toos ah oo u bilaawday labada dowladood oo u dhaxeeya madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo Imaaaraadka’’ ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wada hadallada ayuu sheegay in hadda meel wanaagsan marayaan inkastoo sida uu hadalka u dhigay aysan jirin kulamo loo balamay oo waqti leysla qorsheeyay dhacaya.

Exit mobile version