Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Warbixin xasaasi ah oo ku saabsan xiisadda dhanka Hawadda ah ee ka dhex aloosan Dowladda & Maamulka Somaaliland-Video

Muqdisho (HM)-Dowladda  Soomaaliya ayaa muddo labo maalmood ah fasaxaysa Diyaaradaha keenaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalalka caalamka kuwaasi oo ku dagidoona garoomo cayiman.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa lagu sheegay in go’aankaan la qaatay uu yahay mid ka dhashay cabasho ka yimid muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo xaq dastuuri ah u leh inay kusoo laabtaan dalkooda.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaarada uu warkan kasoo baxay ee qaabilsan Duulista iyo maamulista Hawada Soomaaliya ayaa sidoo kale shaacisay in muwaadiniinta ka imaanaya dalalka uu ka jiro cudurka Coronavirus ay qaadan doonaan amarada wasaaradda caafimaadka dalka.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in labo cisho kadib la joojin doono duulimaadyada caalamiga ah, illa 15-kii cisho ee uu horay u amartay dowladda dhexe.

Ugu dambeyn waxaa warqadda lagu sheegay in guud ahaan dalka aan la soo galin karin wax aan ka aheyn daawo ama raashin.

HALKAN  KA DAAWO WARBIXINTA

dhanka kale Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa sheegaya inay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa ay Maanta soo caga dhigatay Diyaaradda Itoobiya Airline oo waday rakaab tiro badan.

Duulimaadka Diyaaradda Itoobiya Airlines ayaa imanaya saddex maalin kaddib markii ay dhaqan gashay amarkii dowladda Soomaaliya ku joojisay duulimaadyada caalamiga ah, si looga hortago cudurka Coronavirus.

Hadaba daawadaal warar kala duwan ayaa kasoo baxaya imaansha maanta ee Diyaarada Itoobiyan Airline ee Magaalada Hargeysa warar soo baxaya ayaa sheegaya in Diyaaradu ay la socotay in Dowladda Soomaaliya fasaxayso duulimaadyada caalamiga ah kadib xidhiidh dhexmaray waaxda duulista iyo hawada ee Soomaaliya iyo diyaarada Itoobiyaan Airline Sidaa darteedna Diyaaradu ay goor hore oo saaka ahba kasoo rakaabsatay Magaalada Addis ababa una soo duushay Magaalada Hargeysa intii ay Hawada kusoo jirtayna ay Dowladda Soomaaliyana soo saartay warqadan ay ku fasaxayso mudo laba maalmood ah duulimaadyada caalamiga ah.

waxaa xusud mudan in Diyaarada Itoobiya Airline aysan imaan  labadii cisho ee lasoo dhaafay guud ahaan Soomaaliya balse hore ay u sheegtay in ay Duulimaadyada Muqdisho joojin doonto balse duulimaadyadeedii Caadiga ahaa ay sideedii ugu tagi doonto Magaalada Hargeysa balse taas may dhicinoo 19kii bishan Maaj Dowladda Soomaaliya ayaa Hawada ka celisay shirkada Falay Dubai ee laga leeyahay dalka imaaradka oo Hargeysa imaan lahayd kana soo rakaabsatay Dubai. Sidoo kale isla maalintaas waa maalinta ay baaqqatay Diyaarada Itoobiyaan Airline oo sida wararkeenii maalintaasba aan ku sheegnay ay qadatay amarka Wasaarada Duulista iyo Hawada Soomaaliya.

Cabdi Maxamed Rodol, Mareeyaha guud ee duulista iyo hawada Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in go’aamadoodii dhanka Duulimaadyada ay sidoodii u hirgaleen.

Rodol ayaa xusay in Somaliland ay u madax-banaan tahay xuduudaheeda maamulkooda, isagoona hoosta ka xariiqay in maamulka Hawadooda ay mas’uuliyadeeda ay leedahay Xukuumada Muuse Biixi.

Horufadhi News

Exit mobile version