WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Warbixin xasaasi ah oo ku saabsan kacdoonka shacabka G. Awdal & wuxuu salka ku hayo!!.

By Abdi rashid

September 11, 2019

Boorame  ( HM ) Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal waxaa Mudooyinkii dambe ka taagnaa Kacdoon ay Hogaaminayaan Madaxda dhaqanka, Siyaasiyiinta,  Dhalinyaradda iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada kuwaasi oo dalbanaya in Wax laga badalo Saami-qaybsiga  Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta, Cuqaasha iyo Waxagradka Go’aamada kasoo saaray Arinta Saami Qaysbiga ayaa Arintan si adag uga hadlay, Waxayna soo jeediyeen Inuu Caqligu shaqeeyo islamarkaana si dhab ah loo Wajaho waxa ka maqan Shacabka Gobolka Awdal.

Dhinaca kale magaalada Boorame waxaa hada ku sugan madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana la filayaa inuu Waxgaradka gobolka uu la yeesho Kulamo Xasaasi ah.