Boorame ( HM ) Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal waxaa Mudooyinkii dambe ka taagnaa Kacdoon ay Hogaaminayaan Madaxda dhaqanka, Siyaasiyiinta, Dhalinyaradda iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada kuwaasi oo dalbanaya in Wax laga badalo Saami-qaybsiga Somaliland.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Qaar kamid ah Siyaasiyiinta, Cuqaasha iyo Waxagradka Go’aamada kasoo saaray Arinta Saami Qaysbiga ayaa Arintan si adag uga hadlay, Waxayna soo jeediyeen Inuu Caqligu shaqeeyo islamarkaana si dhab ah loo Wajaho waxa ka maqan Shacabka Gobolka Awdal.
Dhinaca kale magaalada Boorame waxaa hada ku sugan madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana la filayaa inuu Waxgaradka gobolka uu la yeesho Kulamo Xasaasi ah.