WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:Xaaska Qalbi-Dhagax oo codsatay in Farmaajo xilka laga qaado & arrimo sir ah oo Banaanka yimi-Video

By Abdi rashid

September 04, 2017

Marwo Khadra Maxamed Cabdi oo ah Xaaska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayaa faahfaahisay qaabka ay kutimid dhiibista Seygeeda oo loo gacan galiyay Dowladda Itoobiya.

Khadra ayaa wareysigeeda ku sheegtay in la qiyaamay Qalbi Dhagax, si qasab ahna loogu dhiibay Cadaw uu mudo kabadan 40 sano la soo dagaalamay isagoo katirsan Ciidanka Xooga dalka Somaliyed iyo wqtiyadii danbe oo uu ahaa Masuul katirsan Jabhada ONLF ee ka dagaalanta dhulka Somalida ee Itoobiya xooga ku heysato.

HALKAN RIIX DAAWO WARAYSI

Waxa ay sheegtay in Qoyska Qalbi dhagax iyo dad ku sugan Dalka Kenya ay dabaal dag xoogan sameeyeen markii ay ogaadeen in qalbi dhagax Gaalkacyo ay ka wateen Ciidamo katirsan Nabad Sugida Galmudug oo Muqdisho la geeyay, balse ay mooraal jabeen markii ay ogaadeen in C/kariin Sheekh Muuse loo gacan galiyay Ciidanka Itoobiya.

Waxa ay soo qaadatay Magacyada 4 Qof oo ay sheegtay iney lahaayeen qorshaha lagu dhiibay Sarkaalka ONLF katirsanaa ee la dhiibay, Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre, Taliye Sanbaloolshe iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayey tilmaamtay iney isla wada ogaayeen qorshaha lagu gudbiyay Qalbi dhagax.

Xaaska C/kariin Sheekh Muuse ayaa sheegtay in Duqa Muqdisho uu horay usii raacay diyaaradii gaarka eheyd ee lagu qaaday Masuulkaas ONLF katirsan lagana dajiyay Magaalada Godey, waxa ay sheegtay in loo sii gudbiyay xabsiyada aadka loogu ciqaabo Saraakiisha Jabhada udgaaalanta xoreynta dhulka Somalida ee Itoobiya sheegato.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamanka Somaliya ayey ugu baaqday iney degdeg udiyaariyaan Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wasiirka koowaad ee xukuumada Somaliya Xasan Cali Kheyre oo ay ku sifeysay rag qiyaamay Shacbiga Somaliyeed guud ahaan.