WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:Qarax Xooggan oo maanta ka dhacay Boosaaso Khasaaraha ka dhashay iyo Goobjooge sharaxaya wuxuu arkay-Video

By Abdi rashid

October 24, 2017

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax loo maleynayo inuu fuliyay nin naftii halige ah oo ka dhacay meel u dhow Saldhigga bartamaha ee magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan aanu geysan wax khasaare ah, marka laga reebo inuu ku dhintay ninkii fuliyay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Puntland ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dambeeyay nin waday gaari gacan.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Qaraxa kaddib ciidamada ammaanka ayaa riday rasaas laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso

Waxaa socota baaritaano la xiriira ninka qaraxa fuliyay, waxaana la xiray goobtii uu qaraxa ka dhacay, sida dad goob joogayaal ay sheegeen.

Boosaaso ayaa waxaa horay uga dhacay qaraxyo ay sheegeen Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana bilo ka hor magaaladaas ka dhacay qaraxii u horeeyay ee Kooxda fulisay Daacish ka fulisay Soomaaliya.