Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisal wasaarihii hore ee Somalia, ayaa si kooban uga hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, Wuxuuna sheegay in weerarkaasi uu galaaftay nolosha shacab farabadan isla markaana uu murugada la qeybsanaayo ehelada Qaraxa ku waayay carruurtooda.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Waxa uu dowladaha adduunka ugu baaqay inay is garabtaagan dowlada Somalia si gurmad ugu fidiso dadka sida daran ugu dhaawacmay weerarkaasi.
Isagoo la hadlaayay Idaacada VOA ayuu sheegay in weerarkaasi laga baran doono cashar, isagoo xusay inuu muujinaayo heerka ay gaarsiisan tahay cadaawada Alshabaab ay u qabaan shacabka.
Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan madaxda dalka ayuu ugu baaqay inay jeebka gacanta galiyaan si wax loogu tarro dadka dhibaateysan.
Wuxuu sheegay in maanta Siyaasadda la isku khilaafsan yahay meel la iska dhigo, Wuxuuna Bogaadiyey Madaxwaynaha iyo Raysal wasaaraha Soomaaliya.